KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magacaabay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, in ka badan lix bil kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.
Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda loo magacaabay Ciise Maxamuud Guure, waxaana xilkaas hore ugu fadhiyay Cabdiqaadir Maxamed Maxamud(Caana-boro).
Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, kaasoo uu hore ugu fadhiyay Cali Yare Cali, halka C/Casiis Cismaan loo magacaabay Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada.
Xasan Maxamed Jimcaale, waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud, halka Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud ee maamulka ee Gobolka Banaadir.
Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.
Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay manta, taas oo ka dhigan in ay Meesha ka baxeen shaqsiyaadkii Farmaajo ku daabnaa ee gobolka hoggaanka u ahaa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.