Cali Yare oo ka hadlay Xaaladda Muqdisho

Cali Yare oo loo yaqaano [Cali Jeeb ku jire], ayaa u qaabilsan Nabad iyo Nolol dacaayadaha Baraha Bulshadda [Social Media].

Warar Keydmedia Online
Cali Yare oo ka hadlay Xaaladda Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha dhanka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare oo loo yaqaanno [Cali Jeeb-ku-jire], ayaa Warbaahinta dowladda ka hadlay xalay, isagoo ka warbixiyay Xaaladda Muqdisho kadib markii la isku dayay in la weeraro Saadaq Joon.

Wuxuu sheegay in amniga Caasimadda uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana aysan jirin wax cabsi, isagoo ku eedeeyay Mucaaradka Farmaajo inay abuureen xaaladda dagaal iyo jawi fowdo ah.

Cali Yare ayaa u muuqday qof lasoo diray, si uu u difaaco Farmaajo oo hadda xaaladda ku xun tahay, kadib markii Mareykanka ugu hanjabay Talaadadii cunaqabateyn iyo xayiraado dhanka safarka ah.

Xaaladda Muqdisho sida uu Cali Yare sheegay waa ay ka duwan tahay, waxaana jira saan-saan colaadeed, iyadoo Ciidamo aan horey loo arag lagu daadiyeen wadooyinka muhiimka ah, waxaana la adkeeyay amaanka Madaxtooyadda.

Xiisadda ayaa taagnayd tan iyo markii Gollaha Shacabka muddo-kordhinta u sameeyay Farmaajo 12-kii bishan, waxayna Musharixiinta Mucaaradka ku dhawaaqeen inay go'aan ka qaadan doonaan afgembiga dadban ee dalka ka dhacay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.