Cali Dheere: Odayaasha Bay waa in ay noo hogaansamaan

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Saraakiil uu hogaaminayo Cali dheeraha kooxda Shabaab afhayeenka u ah oo kulan la qaatay odayaasha ka soo jeeda gobalka Bay iyo Bakool ayaa si kulul ugu canaantay odayaasha in loo baahanyahay kaalin in ay ka geestaan Dagaalada Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Waxa uu sheegay cali Dheere hadii odayaasha ay ka dhaga laabtaan amarkaas in ay la kulmi doonaan ciqaab xoog leh oo uga imaan doonta dhanka Shabaab.

Xubna ka tirsan odayaashii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in aanay ku qancin amarka shabaab isla markaana aysan u diyaar aheyn shabaab in ay dagaalka umada lagu dhibaateynayo in ay ka gacan siiyaan.

Mudooyinkanba ALshabaab waxa ay wadeen talaabooyin ay dadka Soomaaliyeed si qasab ah uga dhaadhciyaan in lala jiro.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.