KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mr. David Angel oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Canada u soo magcaawday Soomaaliya ayaa Madaxweynaha u gudbiyey fariiin uu uga waday Madaxweynaha Dowladda Canada.
Sidoo kale Safiirka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida looga aqabalay warqadahiisa safiirnimo, wuxuuna ballan-qaaday xoojinta xiriirka labadda Dowladood.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyey safiirka cusub, wuxuuna xusay in Safiirka cusub ay ka rajeynayaan inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka Somaliya iyo Canada.
"Waxaan ka fileeynaa Mr. David inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada Dowladood, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay u fududeyso howlahiisa" ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeen Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Canada sid ay u soo dhaweysay Soomaalida faraha badan ee ku nool dalkaasi kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaata dib-u dhiska Dalkood Soomaaliya.
Keydmedia Online - War Saxaafadeed
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.