Maxay tahay Caqabada cusub ee hortaagan Musharaxiinta Aqalka Hoose?

Tiro musharaxiin ah ayaa loo diiday in la siiyo warqadaasi, kuwaasoo siyaasad ahaan ka soo horjeeda hoggaanka waqtigiisu dhamaaday ee fadhiya Madaxtooyada, iyadoo hay'ada danbi baarista loo yeerinayo cidda ay siineyso warqadaasi.

Warar Keydmedia Online
Maxay tahay Caqabada cusub ee hortaagan Musharaxiinta Aqalka Hoose?

DHUUSA-MAREEB, Soomaaliya - Sharuud hor leh oo jidgooyo ku noqoneysa musharaxiinta u hanqal taagaya kuraasta Golaha Shacabka, ayaa iminka ka soo cusboonaatay Maamulka Galmudug.

Qorshahan ayaa ah mid ay wadato Villa Soomaaliya, isla markaana lagu xujeynayo musharaxiinta, waxana musharaxa la siinayo shahaadada, laga doonayaa inuu la yimaado, warqad uu ka soo qaatay hay'ada danbi baarista ee CID, taasoo caddeyneysa in aan loo heysan wax danbi ah.

Warqadan oo sidoo kale ka dhigeysa ruuxa qaata, mid aan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada, ayaa la adkeeyey qaadashadeeda waxana arrintaasi ka shaqeeyey Fahad Yaasiin, oo xubno nabad sugid ka tirsan u xil saaray dhaqan galinta qorshahaasi.

Tiro musharaxiin ah ayaa loo diiday in la siiyo warqadaasi, kuwaasoo siyaasad ahaan ka soo horjeeda hoggaanka waqtigiisu dhamaaday ee fadhiya Madaxtooyada, iyadoo hay'ada danbi baarista loo yeerinayo cidda ay siineyso warqadaasi.

Musharaxiin fara badan ayey sheekadan soo cusboonaatay ku noqotay utun daciifisay hamigoodii ku wajahnaa kursiga ay u hanqal taagayeen, waxana qaarkood ay arrintan ka muujiyeen cabasho, iyagoo Qoor-Qoor ku eedeeyey inuu Galmudug uga olloleynayo Farmaajo iyo kooxda maafiyada ah ee la shaqeysa, kuwaasoo uu wal wal ka heysto sidii ay ku soo noqon lahaayeen.

Galmudug waxaa sidoo kale gaaray ciidamo nabad sugid ah, oo loo adeegsan rabo in ay noqdaan ergada codeyneysa, waana sheeko qeyb ka ah boobka la rabo in lagu sameeyo doorashadda Aqalka Hoose, ee la filayo in ay dhawaan halkaasi ka dhacdo.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in doorashadan ay ka masuq badnaan doonto tii dalka ka dhacday 2016-kii, waxana ay tilmaamayaan in arrintaasi ay ceeb ku noqon doonto Ra'iisul Wasaare Rooble oo ka masuul ah doorashadda qabsoomeysa.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.