KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Tani waxay soo afjareysaa damicii ugu dambeeyay Farmaajo ee boobka doorashadda dalka, isagoo hadda waayay kuraastii uu ku tashnayay ee Gedo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa go'aan kama dambeys ah Maanta ka gaarey doorashadda Xildhibaanada Garahaarey iyo Ceel-Waaq oo beryahan dood ka taagnayd, iyadoo fowdo ka dhacay shirarkii ugu horeeyay ee Baarlamaanka.
Qoraal uu soo saarey Xafiiska Aadan Madoobe, oo KON heshay ayaa lagu shaaciyay in Xildhibaanada Ceel-Waaq ay yihiin kuwa sharciga ah ee matela Gedo, waxaana uu meesha ka saarey kuwii kale ee ka yimid Garbahaarey, oo Farmaajo uu watay.
Waxaa la filayaa in 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceel-Waaq inay codeeyaan doorashadda Madaxweynaha May 15, maadaama aysan ka qeyb-qaadan doorashadda Gudoonka Gollaha Shacabka, kadib markii labada dhinac ay hoolka iska soo galeen, oo fowdo laga baqay iyo ID-carada oo la siinin.
Tani waxay meesha ka saartay caqabadii jirtay, iyadoo soo afjareysaa damicii ugu dambeeyay Farmaajo ee boobka doorashadda dalka, isagoo hadda waayay kuraastii uu ku tashnayay ee Gedo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.