KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dab xooggan oo ka kacay guri ku yaala xaafadda Abasiibka Xalane ee degmada Wadajir ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ilmo 4-jir ah ayaa ku geeriyooday, halka mid kale oo 6-jir ahna uu ku dhaawacmay dab xoogan oo ka kacay guri ku yaala xaafada Abasiibka Xalane ee degmada Wadajir ee Caasimadda Muqdisho.
Dabka ayaa ka bilawday qalad ka dhashay korontadii ku jirtay gurigaasi, waxanna inta badan qoyska ay ahaayeen kuwa jooga banaanka aqalka, marka laga reebo labada caruurta ah ee ay waxyeeladu ka soo gaartay dabka.
ilmaha geeriyooday ayaa ahaa 4 jir, iyadoo oogadiisa laga dheehan karay dhibaatada xoogga leh ee dabku gaarsiiyey, waxanna gubtay guud ahaan jirkiisa halka mid kale ee 6 jirka loola cararay mid ka mid ah isbitalada Muqdisho, halkaasoo uu xaalad halis ah ku wajahayo.
Dabka ayaa ku faafay xaafadihii ku dhawaa gurigaasi, isagoo saameeyey ku dhawaad labo guri oo kale, wuxuu sababay khasaare hantiyeed ee gaaray dadkii lahaa guryahaasi.
Dadka deggaanka ayaa Keydmedia Online u sheegay in khasaaraha dabka ay kordhisay gurmad la'aan jirtay, waxanna soo daahay gaawaarida dab damiska ee dowladda hoose, kuwaasoo imaanshahoodu qaatay ku dhawaad saacad iyo bar.
Inta badan dab saameyn culus yeesha oo ka bilawda koronto ayaa ka kaca degmooyinka Gobolka Banaadir, waxanna arintaasi loo sababeeya shirkadaha bixiya korontada oo soo daaya mararka qaar xadi koronto oo ka badan mida loogu tala galay halkii guri, mana jirto dowlad ama maamul kula xisaabtamaya quwada korontada ay bixinayaan, taasoo galaafata nolosha iyo maalka yar ee dadka dan-yarta ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.