MW Xasan oo ka hadlay xaaladdiisa caafimaad
Abaarta baahsan ee ka jirta gayiga Soomaalida ayaa xoogeysaneysa, waana mid cagta marisay dad iyo duunyaba.
MUQDISHO, Soomaaliya- Tiro caruur ah ayaa saacadihii la soo dhaafay degmada Maxaas ugu geeriyooday, nafaqo darro baahsan oo soo wajahday.
Caruurtan oo ay tiradoodu gaareyso lix caruur ah, ayaa dhimashadooda waxaa warbaahinta u xaqiijiyey agaasimaha isbitalka guud ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay, in isbitalka ay ku jiraan caruur kale, kuwaa oo ay heysato xaalad nafaqo darri ah, wuxuuna dalbaday in gurmad dhan walba leh lala soo gaaro degmada Maxaas.
Dadka ay saameyneyso abaarta ka jirta gudaha dalka ayaa kordhaya, iyadoo abaartu cagta marisay dad iyo duunyaba.
Sidoo kale waxaa badanaya dadka ka soo cararaya deggaanada ay abaaruhu waxyeeleeyeen, mana jirto gurmad la taaban karo oo looga jawaabayo xaaladaha bani'aadminimo ee ka jira dalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments