CC Warsame “Farmaajo ha noqon qar iska tuur aayatiin qaldan doortay”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la dardaarmay Farmaajo kahor inta uusan jeedin khudbaddiisa Golaha Shacabka, isagoo ku yiri ha noqon Qar-iska tuur. 

Warar Keydmedia Online
CC Warsame “Farmaajo ha noqon qar iska tuur aayatiin qaldan doortay”

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la dardaarmaya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo oo daqiiqado kaddib jeedinaya khudbad ayaa xasuusiyay in rabitaankiisii muddo kororsiga la wada diiday.

CC Warsame ayaa yiri "Farmaajo haddii uu xaqiiqada wajo, gartana in ciidan dastuurka daafacaya oo muddo kororsiga diiddan ay Villada kaabiga ku hayaan, Raysalwasaaraha, shanta dowlad gobolleed, Aqalka Sare, Golaha Shacbka intiisa badan, midowga murashaxiinta, bulshada rayidka, iyo Beesha Caalamka ay muddo kororsigiisii ku diideen, uu waayey taageeradii shacabka, gaar ahaan reer Muqdisho, oo ay habeen dhaaf ugu dibad-baxayaan.

Warbaahintii caalamka ugu waawayneed ay subax walba sawir xun ka bixineyso, hay’adihii xuquuqul insaankana baaritaan ku bilaabeen, liis cunaqabatayn ahna qarka u saaran yahay, dhaqaalihiina sagxadda yahay, kuwii ugu dhowaa ka kala carareen, intii ku hartayna ku jooji halkaa leeyihiin, wuxuu qaadanayaa go’aan geesinimo leh oo uu shacabka ku macsalaameeyo, haddiise uu xaqiiqada iska indha tiro, wuxuu noqonayaa qarka iska tuur aayatiin qaldan doortay."

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.