CC Warsame: “Farmaajo waa danbiile mudan in marinkiisa la mariyo”

Waxaa maanta shir jaraa’id Magaalada Muqdisho ku qabtay qeyb ka mid ah Musharixiinta Mdaxwynaha,  kuwaas oo saaka barqadii lagu rasaaseyay waddada gasha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame: “Farmaajo waa danbiile mudan in marinkiisa la mariyo”

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsanme, oo ka mid ahaa musuuliyiinta saaka naftooda halista la galiyay ee rasaasta lagu furay ayaa sheegay in markii hore uusan Madaxweyne u aqoonsaneyn oo waqtigiisi uu dhamaaday Farmaajo, haddana uu yahay gacan ku dhiigle.

“Farmaajo maanta waaa gacan ku dhiigle, waa dagaal ooge, wax aan maxakamd adduun ahayn iyo caddaalada dalka gudahiisa ah oo aan kula macaamilyno ma jirto”. Ayuu yiri Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu xaqiijiyay in hub culus oo loo waday Madaxda mudaharaadeysay ay u gudubtay qeyb ka mid ah garoonka diyaaradaha  isla-markana ay dad ku geeriyoodeen rasaas ay ku fureen ciidamada Farmaajo daacadda u ah.

"Wali waxa ay u ooman yihiin dagaalka, wali waxa ay u ooman yihiin in ay dhiig daadiyaan, wali waxay u ooman yihiin dad rayad ah in ay dilaan oo ay xuqooqdooda u diidaan, laakin waxaan u xaqiijineynaa isaga iyo maleeshiyada ka amar qaadataba in ay maalmo yar u harsan yihiin mudan koodana la marsiin doono”. Ayuu yiro Hoggaamiyaha Wadajir.

Dhalinyarada askarta ah ee Farmaajo adeegsano ayuu ugu yeeray in toobad keenaan oo uusan galaafan Rajiimka waqtigiisu dhamaaday.

Cabdiraxmaan wuxuu si adag ula hadalay RW Rooble ‘Rogane’ MW Galmudug Axmed Qoorqoor, MW HirShabeelle, Guudlaawe iyo Guddooniyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish, wuxuuna sheegay in uu u fadhiyo in ay hadlaan haddii ay matalaan dadka xalay ilaa saakay la dhibaateynyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.