CC Warsame: Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad siiyo Rooble

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Farmaajo uu wali dhibaato ka dhex-wado Ciidanka xoogga dalka, islamarkaana uu u adeegsanayo dantiisa gaarka ah.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame: Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad siiyo Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa sheegay in Farmaajo uusan doonaynin inuu siiyo Rooble fursad go'aanno uga gaari kara ma'uuliyaddiisa ku aadan qabashadda doorasho hufan oo loo dhan yahay.

"Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Raysalwasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato," ayuu yiri CC Shakuur.

Wuxuu kula taliyay Rooble inuu qaato doorkiisa, oo kasoo dhalaalo filashadda laga qabo, ee ah inuu ka madax-banaanaado Farmaajo iyo kooxdiisa, islamarkaana ka shaqeeyo danta shacabka iyo doorasho si xor iyo xalaal ku dhaca.

Dhanka kale, CC Shakuur ayaa ku eedeeyay Farmaajo uu wali dhibaato ka dhex-wado Ciidanka xoogga dalka, islamarkaana uu u adeegsanayo dantiisa gaarka ah, isagoo diiday inuu wareejiyo taliskooda kadib markii muddo-xileedkiisa dhamaaday.

"Farmaajo weli ciidanka fadqalallo ayuu ka dhex wadaa. Danaha shacabka Soomaaliyeed ayuu u afduubay dan ganacsi oo ay walaalkiis iyo saaxibbadiisu leeyihiin," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Baaqa Musharaxa ayaa imaanaya xili lagu wado in 20-ka bishaan Muqdisho ka furmo Shir uu iclaamiyay Rooble oo u dhaxeeya dowladda iyo Maamullada, kaasoo looga hadli doono arrimaa siyaasadda iyo khilaafka ka taagan doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.