CC Warsame oo dhambaal Madaxweyne gaarsiiyay OIC

Intii uu socday kulanka, dhanacyadu waxa ay isla-garteen muhiimadda uu leeyahay xiriirka ka dhaxeeya Ururka Islaamka iyo Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqeen baahida loo qab in la xoojiyo gargaarka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo dhambaal Madaxweyne gaarsiiyay OIC

JEDDAH - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Dhaaha.

Kulanka labada mudane oo ka dhacay xarunta Ururka (OIC) ee ku taalla magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudiga, ayuu ergaygu uga warbixiyey Xoghayaha Guud inta uu la egyahay xaddiga abaaraha ba’an ee ka jira xilligaan Soomaaliya, isagoo la wadaagay sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.

Xoghayaha ayaa muujiyay sida qotada dheer ee Ururka Islaamku uga walaacsan yahay saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen  Soomaaliya, isagoo xusay in ay ka go’an tahay dhqan galinta qaraarkii ka soo baxay Kalfadhigii Afartan iyo Siddeedaad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee (OIC) ay horraantii sanadkaan ku yeesheen Islamabad. 

Intii uu socday kulanka, dhanacyadu waxa ay isla-garteen muhiimadda uu leeyahay xiriirka ka dhaxeeya Ururka Islaamka iyo Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqeen baahida loo qab in la xoojiyo gargaarka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, Ergeyga iyo Xighayaha ayaana isla-meel dhigay dhowr tallaabo oo lagu dardar gelinayo gurmadka.

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd aas-aasayaashii (OIC) oo hadda ka kooban 57 Dowladood, waxa ay had iyo jeer maqaam sare ku lahayd ajandayaasha Ururka, kaasoo qudhiisu si firfircoon uga qayb qaaday teegeerada iyo dadaallada muddada socda ee lagu baadi goobayo in mar kale Soomaaliya ku gaarto nabad iyo xasillooni buuxda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.