KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Musharaxa ayaa sheegay in hadii Jawaari loo diiday shahaadada Musharaxnimo ee Kursiga Xildhibaan, sida uu isaga ku heli doono mida Madaxweynaha.
MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax C/raxmaan Cabdishakuur, ayaa ka hadlay hab-dhaqanka Farmaajo ee ku aadan boobka doorashadda dalka, oo meel walba cabasho kasoo yeertay.
Wuxuu xusay in Farmaajo uu gacanta ku dhigay RW Rooble, oo ahaa rajada kaliya ee la qabey, lagana filayay inuu hogaamiyo doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah sanadkan 2021.
"Hadii uu Ra'iisul Wasaarihii doorashadda iyo amniga loo dhiibey uu leeyahay waxba kama qaban karo boobka doorashadda, sidee lagu aaminaa in aan la boobeynin doorashadda Madaxweynaha ama la ku diideynin ama la isku dulminaynin,' ayuu shacabka waydiiyay CC Warsame.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa hoosta ka xariiqay in walaaca jira ee doorashadda hadii aan waxba laga qaban, ay keeni doonto inuu dalka galo qalalaase ka dhasha natiijadda.
Isagoo hadalkiisa sii wata, CC Warsame ayaa sheegay in qaabka hadda wax ku socdaan ay tusaale u tahay inuu Farmaajo uu rabo inuu boobo doorashadda Madaxweynaha, waxayna midaas Soomaaliya dib ugu celin doontaa dagaalkii Sokeeye.
"Falsafada meesha taalla, waa doorasho natiijadeeda la hubo, cidii malxiis ka noqonaysa iyo cidii diidaysaba. Qaylo dhaan warmo kama tunmaan," ayuu hadalkiisa raaciyay Musharaxa.
CC Warsame: Farmaajo oo iska daaya dhaqanka boobka, waxay la micna tahay mukulaal ka xajisay Madax doolli. Laga soo billaabo markii la doortey, Farmaajo wuxuu degayay shirqoollo ku saabsan sidii dalka uu u xukumo lahaa wax ka badan mudo-xileedkiisa sharciga ah, oo dhamaadey Feb 8, 2021.
Musharaxa ayaa sheegay in hadii Jawaari loo diiday shahaadada Musharaxnimo ee Kursiga Xildhibaan oo uu Lafta-Gareen kahor istaagey, sida uu isaga ku heli doono mida Madaxweynaha.
Doorashadda socoto waxay u dhaxaysaa labo Garab oo Maamullada ah, kuwa Farmaajo madaxdooda isaga meesha geystay - Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug iyo kuwa kasoo horjeeda Puntland iyo Jubbaland, oo isku duuban, kana shaqeynaya sidii lagu bedelo lahaa hogaanka hadda jooga Villa Somalia.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.