Ceelasha Biyaha oo ka bilowday Barakacii ugu weynaa

Muqdisho (Keydmedia) - Saakay ayaa Deegaanada loo barakacay ee ku yaala inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye ka bilowday Barakacii ugu weynaa.
Warar Keydmedia Online

Boqolaal qoysayaa ayaa la arkayaa oo ka cararaya xaafadaha ay ka daganaayeen deegaanada Taree Dishe, Carafaat, Macaani, Siinka Dheer, iyo Ceelasha Biyaha.

Wariyaha Keydmedia ee Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamada wali is hor fadhiyaan dadkuna ka baqayaan duqeymyaha ciidamada AMISOM oo la sheegayo in xalay ay gaareen qeybo ka mid ah Ceelasha.

Sadex ruux ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacantay madaafiic ku habsatay xaafada Jabad-Geelle oo ay ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha.

Baabuurta rakaabka ah ayaa aad u qalai garoobay, waxaana wararku ay sheegayaan in qoyski doonaya inuu ka barakacayo Ceelasha ee soo aadayo Muqdisho laga qaadayo $100 ilaa 130 taasi oo aysan inta badan awoodin rayidka.

Dhanka kalana saraakiisha Al Shabaab ayaa xalay ka hadlay masaajidada Ceelasha Biyaha iyaga oo dadka ugu baaqay in ay dagaalka ku biiraan.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.