KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Taliyaha Ciidamada Xooga Ee Gobolka Galgaduud Max’ed Kaariye Cawaale ayaa Keydmedia online u sheegay in Ciidamada Dowladda ay Jab Xoog leh ay gaarisiiyeen Maleeshiyada Al-shabaab.
Taliyaha ayaa Xusay in 10 ka mid ah Maleeshiyada Al-shabaab Dagaalka ay ku dileen islamarkaana ay Nolosha ku qabteen Saddex kale oo Al-shabaab ah.
Waxaana Meydadka Qaar lagu soo bandhigay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo Dagaalku uu ka dhacay.
Max’ed Kaariye Cawaale ayaa intaa ku daray in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Dagaalka oga Geeriyoodeen Ilaa Labo Askari oo Ciidamada Xooga Dalka ka tirsan.
Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay Dagaal Dhex maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Falaagada Al-shabaab,
Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.