KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Taliyaha oo aan wax ka weydiinayay dagalaadi dhawaan ka dhacay degmadaasi ayaa waxa uu sheegay inay dagaalkaasi ay ka dambeeyeen rag uu sheegay inay ka tirsan yihiin Jabhada la yiraa SSC oo ah Sool Sanaag ceyn.
Cabdirashiid Xersi Dhego Sool oo ah taliyaha ciidamada Meletariga ee Soomaaliland ayaa sidoo kale sheegay inay xereen sida uu hadalka u dhigay rag ka tirsan Jabhada dagaalka la gashay islamarkaana ay qabsadeen Hub ka dib dagaalkii dhawaan ka dhacay Ceerigaabo.
Cabdirashiid Xersi Dhego Sool oo ah taliyaha ciidamada Meletariga ee Soomaaliland ee Gobalka Sool aya augu dambeyn ka codsaday dadka ku dhaqan Gobalka inay la shaqqeeyaan maamulkaasi si loo xaqiijiyo amaanka Gobalka.
Dagaalkii maalmo ka hor ka dhhacay Degmada Ceerigaabo ee Gobalka Sool ayaa sababay dhiamsho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay degmadaasi iyo dadka Rayidka ah.
Keydmedia.net - Xafiiska Hargeysa
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.