Channel 4 oo lagu heysto warbixinii Al-Shabaab

Jamaal Cismaan, wuxuu u socdaalay Magaalada Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee hadda Al-Shabaab ka arrimiyaan, wuxuuna soo duubay muuqaallo ka tumaya samaan, isagoo iska indho tiray dhibka ay wajahayaan shacabka Al-Shabaab xukunto.

Warar Keydmedia Online
Channel 4 oo lagu heysto warbixinii Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya -  Warbixin uu dhawaan Telefishinka Channel 4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ka sameeyay Kooxda Al-Shabaab, ayaa dhalisay caro xooggan, waaxana Channel­­-ka loo gudbiyay  in ka badan 100 cabasho oo lid ku ah barnaamijka.

Warbixinta oo uu sameeyay weriye Jamaal Cismaan, ayaa lagu tilmaamay in ay buunbuunin u tahay Al-Shabaab, dadkana lagu jecleysiinayay fikradaha xagjirnimada, oo xilligaan khatar weyn ku ah adduunka, gaar ahaan dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Dadka cabashada gudbiyay waxa ay soo jeediyeen in barmaamijkan gebi ahaanba la tirtiro, iyagoo sheegay in baahintiisa aysan kaliya dhaawac ku ahayn muuqaalka Soomaaliya, hayeeshee, ay dhibaato ku tahay dadka Al-Shabaab gabood-fallada u geysteen.

Warbixinta oo ciwaan looga dhigay, [Inside Al Shabaab]: ayay farriinta ay gudbineysay ahayd in Kooxda xagjirka ah ee isku dayayso inay qabsadaan Soomaaliya oo dhan, “The extremist group trying to seize Somalia”, waana waxa dhaliyay carada dadka.

Weriyaha Channel 4, Jamaal Cismaan, wuxuu u socdaalay Magaalada Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee hadda Al-Shabaab ka arrimiyaan, wuxuuna soo duubay muuqaallo ka tumaya samaan, isagoo iska indho tiray dhibka ay wajahayaan shacabka Al-Shabaab xukunto.

Sidoo kale, Jamaal Cismaan, barnaamijkiisa fursad uma uusan siin dhanka Dowladda, mikrafoonkana kuma raadin dadka Al-Shabaab dhibaateen ee xitaa ku sugan magaalooyinka Dowladda iyo Maamul gobolleedyadu xukumaan.

Al-Shabaab, in ka badan 15 sano ayay dagaal ka wadaan Soomaaliya, kumannaan qof oo aan waxba galabsan ayay ka takhaluseeen, waxa ay weerarro ka geysteen dalalka dariska oo ay ugu horreyso Kenya, waana mushkiladda ugu weyn ee xilligaan ka aloosan Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.