Ciid wanaagsan

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasadda Ciidda Soon-fur.

Warar Keydmedia Online
Ciid wanaagsan

Dhamaan Umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah, Howl-wadeenadda iyo aqristayaasha sharafta leh ee Warbaahinta Keydmedia Online, waxaan ugu hambalyeneynaa farxadda munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga. CIID WANAAGSAN.

Munaasabadda Ciidul Fidriga, waa mid ku weyn mujtamaca Muslimiinta, waa mid si weyn loogu dabaal dego, ka dib dhamaadka bisha Soon-qaad ‘Ramadaan’ isla markaana ay curato bisha Soon-fur ‘Shawaal’ waana mid ka mid ah labada ciidood ee waaweyn ee Islaamku leeyahay.

Waxaan isku dardaarmeynaa, in aan is caawinno, garab istaagno kuweenna danyarta ah, Masaakiintana ka farxinno, waxaan ku duceysaneynaa in Allah naga aqbalo cibaadadii Soonka, sanadkaan sanadkiisa kalana nabad nagu gaarsiiyo.

Maamulka Warbaahinta Keydmedia Online, waxuu fursaddaan uga faa’iideysanayaa u duceynta dalka oo taagan marxalad adag, toobiyaha toosan Allow cagta noo saar.

Maamulka iyo Shaqaalaha KON waxey u rajeynayaan guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Muslimiinta Soomaaliyeed oo mudo rubuc qarni kor u dhaaftay dareenkoodu ku noolaa walaac ka imaanaya colaada u jeedo badanta ah ee ka ololeysa dalkooda Hooyo. 

Agaasimaha Guud ee Warbaahinta KON Cali Saciid Xasan ayaa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed sanadka kan xiga in ay Nabad, guul barwaaqo iyo horumar ay ku gaaraan.

Hambalyo, Ciid Wanaagsan.

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.