Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaan cusub

Dagaalka oo ka dhacay deegaan 60 KM u jira magaalada ayaa waxaa la wareegay Kumaandooska DANAB.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaan cusub

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo deegaan lagu magacaabo Lafaha Ragga oo qiyaastii 60-KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay halkaas howlgal ka fuliyeen Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Kumaandooska DANAB.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka, ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka, islamarkaana Al-Shabaab kaga adkaadeen dagaal ay la galeen.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ay dagaalka ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab oo deegaanka muddo gacanta ku hayay, waxuuna intaas ku daray in ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa deegaanada kale ay ka xoreeyaan.

Ilaa hada ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaana xusid in ay yartahay xogaha laga heli kari aagga dagaalka ka dhacay oo magaalada Kismaayo ka fog.

Dhinaca kale, majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan guulaha ay Ciidamada dowladda ka sheegteen dagaalka ka dhacay Jubbada Hoose.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Jubbooyinka ayaa maalmahaan waday dhaq -haqaaqyo aan sidaas u sii buurneyn, oo ujeedkoodu yahay inay dib u qabsadaan deegaanada ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.