Ciidamada gadoodsan oo iska soo dhex saaray guddi ka wakiil ah

Kulamo looga arrin-sanayay xal u helidda ciidamada gadoodsan ee ka hor yimid muddo kordhintii uu Golaha Shacabka u sameeyay Farmaajo ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada gadoodsan oo iska soo dhex saaray guddi ka wakiil ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhowr is arag oo kala duwan ayaa afurkii kadib xalay ka bilowday Caasimadda, waxaana looga hadlay macquul ahaan shaha Ciidamada la baxay magaca Badbaadada Qaranka, looga saari karo Muqdisho.

Odayaal, Xildhibaanno, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa guda galay xal u raadinta arrintaan, waxaana warbixin kooban laga dhageysatay Guddi ka kooban 7 Xubnood oo ay iska soo saareen ciidamada Farmaajo diidan.

Waxaa lagu heshiiyay in guddigaan 7 Xubnood ka kooban ee matala Ciidanka badbaado Qaran ay hor fariistaaan Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee Rooble, iyo dhammaan xubnaha Mucaaradka.

Guddigaan waxa ay hoosta ka xariiqeen In Xukuumadda Rooble ay ka laabato go'aankii ay Ciidanka muddo korarsiga kasoo horjeeda ay ugu yeertay Meeleshiyaad.

Waxa ay dalbadeen in RW Rooble, uu xilka ka xayuubiyo hoggaanka Ciidamada, Sida Odawaa, Biixi, Fahad, Xijaar, Qaroole, Kaniif iyo kuwo kale, si loo dadajiyo isku soo dhawaan shaha labada dhinac.

Waxa ay ka digeen beegsi gaar ah iyo in la jaro mushaaraadka ciidamada diiday muddo kordhinta.

Xubnahaan ay iska soo dhex saareen ciidamada gadoodsan ayaa kala 1. Gen. Saadaq John, 2. Gen. Gacma Dulle, 3. Gen. Indha Cadde, 4. Kornayl: Saney Cabdulle, 5. Kornayl: Ismaaciil Gurey, 6. Kornayl: Xaadoole, 7. Kornayl: Liibaan Madaxweyne.

Wada hadallada ayaa la filayaa in ay sii socdaan, inta laga gaaro xal dhamaystiran, oo si buuxda ciidamadu ugu qancaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.