Ciidamada QS oo sheegay in la dilay Cali Dheere

Ilaa hadda Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, kama aysan hadlin warka ka soo baxay SNA RADIO, sidoo kale hore uma aysan sheegin in Cali Dheere ku dhaawacmay dagaalkii Ceel-qooxle, inkastoo aysan sidoo kale ka hadli dhuqayntii dhawaan lagu dilay C/llahi Nadiir.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada QS oo sheegay in la dilay Cali Dheere

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbaahinta ku hadsaha Codka Ciidamada ee SNA RADIO oo hoos tagtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa baahisay xog sheegeysa inuu geeriyooday Afhayeenkii Kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Sida ay sheegtay idaacadda Codka Ciidamada, Cali Dheere ayaa Axaddii la soo dhaafay abaara 04:30 galabnimmo ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, kadib dhaawac ka soo gaaray dagaalkii todobaadkii hore ka dhacay Ceel-qooxle.

Warka waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalka Ceel-qooxle ee dhaawaca dhimashada sababay lagu gaarsiiyay Cali Dheere, sidoo kale lagu dilay horjooge lagu magacaabo Qoor-gaab kaasoo hoggaan u ahaa Jabhadaha Al-Shabaab, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkaas oo dhacay 29. Sep. 2022, waxa ay Dowladdu hore u sheegtay in lagu dilay ku dhawaad 80 xubnood oo ka tirsanaa AS, halka lagu dhaawacay intaas ka badan, hayeeshee Al-Shabaab qudhoodo waxa ay soo bandhigeen meydad ay ku dileen dagaalkaas.

Ilaa hadda Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, kama aysan hadlin warka ka soo baxay SNA RADIO, sidoo kale hore uma aysan sheegin in Cali Dheere ku dhaawacmay dagaalkii Ceel-qooxle, inkastoo aysan sidoo kale ka hadli dhuqayntii dhawaan lagu dilay C/llahi Nadiir.

Cali Dheere wuxuu muddo ku magacaawnaa afhayeenka Al-Shabaab iyo xubin ka tirsan Golaha Shuurada ee kooxdaas, halka uu muddo hayay xilka Guddoomiyaha kooxda ee gobolka Banaadir, kadib markii uu baddelay Maxamed Xasan Cumar.

Raage wuxuu xilka afhayeenka Al-Shabaab qabtay bishii May 2009, kadib markii uu baddelay Sheekh Mukhtaar Roobow, oo hadda ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, kaasoo oo Al-Shabaab ka baxay kadib markii ay isku dhaceen Axmed Cabdi Godane.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.