Ciidamada Somaliland iyo Puntland oo ku dagaallamay gobolka Sool

Waxaa mar kale qarxay dirirtii dhanka dhulka ee sanadihii u danbeeyey u dhaxeysay Maamullada Somaliland iyo Puntland.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Somaliland iyo Puntland oo ku dagaallamay gobolka Sool

SOOL, Soomaaliya- Labada Maamul ayaa 15-kii sano ee ugu danbeysay isku hayey deggaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo maamul walba uu sheeganayey in meelaha la isku hayo uu isagu ka arrimiyo. 

Saaka ayey mar kale qaraxday collaadaasi, waxeyna dirirtu ka billaabatay degmada Boocame oo ka tirsan gobolka Sool.

Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, ayaa aroornimadii hore ee saaka dagaal ku soo qaaday, kuwa Puntland oo labadii sano ee ugu danbeysay halkaasi gacanta ku hayey.

Dagaalka oo aan saacado badan qaadanin ayaa keenay, in Puntland laga fara moorijiyo degmada Boocame, oo ay iminka ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Somaliland.

Degmada Boocame ayaa ahayd degmada keliyah ee ka tirsan gobolka Sool ee ka maqnayd gacanta maamulka gooni isu-taagga ku dhawaaqay ee Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya, in Puntland ay wado qorshihii ay Boocame ugu soo celin lahayd gacanteeda, waxaana saacadaha soo socda laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka qarxo dagaal kale.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.