Mudo-kordhin loo sameeyay Howlgalka Turkiga ee xeebaha Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa Talaadadii la soo dhaafay ansixiyay oo waqtiga loo kordhiyay ciidamada Turkiga ee ka howlgala Gacanka Cadan, Soomaaliya, iyo Badda Carbeed.

Warar Keydmedia Online
Mudo-kordhin loo sameeyay Howlgalka Turkiga ee xeebaha Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Turkiga wuxuu ansixiyay in Ciidamada Turkiga ay sii joogaan dalal ay Soomaaliya ku jirto inta laga gaarayo Februay 10, 2022.

Tan iyo 2008 oo ahayd markii ugu horreysay oo la ansixiyay sharciga Ciidamadaaan lagu keenay Gacanka Cadan, Soomaaliya, iyo Gacanka Cadmeed ayaa kadib 13 jeer loo cusbooneysiiyay howlgalka, si ay u sii wadaan shaqada.

Gacanka Cadmeed, wuxuu u dhow yahay Yemen, iyadoo uu kaabiga ku hayo Marin biyoodka Baabul-Mandab, oo ah wadada Afraad ee ugu weyn adduunka ee ay marayeen Maraakiibta saliidda ceeriinka ah kasoo qaada Khaliijka.

Soomaaliya waxay saaran tahay Gacanka Cadmeed iyo marin biyoodka Baabul-Mandab, taas ayaana ah sababta keentay in Ciidamada Turkigu ka howlgalaan.

Turkiga ayaa dhinacyo badan ka taageera Soomaaliya, wuxuuna Tobankii sano ee lasoo dhaafay ka hir-galiyay mashaariic hormarineed oo waaweyn, iyadoo duleedka Muqdisho ka dhistay Saldhig militeri oo lagu tababaro Ciidanka DF.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.