Ciidamada AMISIOM, TFG oo weeraray Degmadda Afgooye

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISIOM ayaa saakay weerar xooggan waxa ay ku qaadeen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose,halkaasi oo ay Gacanta ku hayaan Kooxda Al shabab.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada dowladda KMG iyo AMISIOM ayaa weerarka waxa ay ka qaadeen Degmadda Deynile,waxaana dadka ku nool Ceelasha Biyaha ay soo sheegaya in Dagaalka uu ka socda meel Waqooyi ka ah Ceelasha Biyaha,halkaasi oo marta Wado aada Degmadda Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in Dhaqdhaqaaq xoog leh uu ka jiro Deegaanka KM13 kaasi oo ay samaynayaan Maleeshiyaadka Al shabab oo doonaya inay ka hortagaan Duulaanka ka dhanaka ah Afgooye iyo Deegaanada kale ee ay Maamulaan.

Saraakiil ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISIOM ayaa u sheegay Saxaafadda in weerar ballaaran Saaka ka qaadeen dhanka Dayniile, isla markaana la wareegeen wado cari ah oo tagta Afgooye.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalka hase ahaatee dadkii kusoo safray saakay Wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay in Gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah islamarkaana Gurmad ah ay Al shabab soo dhoobeen Ceelasha Biyaha kuwaasi oo hakad geliayay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Dhowr Madfac ayaa la sheegay inay ku dhaceen Deegaanka Ceelasha Biyaha kuwaasi oo aan la ogeyn Khasaaraha ay dhaliyeen.

Wixii war ah ee ku soo kordha Dagaalka kala soco www.Keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.