KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegeen Deegaanno hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada DFS oo ay weheliyaan kuwa Itoobiya ayaa la wareegay Sadex Deegaanno oo ka tirsan Degmada Ceelbuur, waxeyna Duhurkii Maanta la wareegeen Deegaanka Ceel-garas.
Ciidamada ayaa ku wajahan Ceelbuur oo ah Saldhiga ugu ballaaran ey Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku leeyihiin Gobollada Dhexe.
Gobollada Dhexe, Ciidamada waxa ay dhawaan ka qabsadeen Al-Shabaab degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Kooxda Al-Shabaab ayaa Weerartay Deegaanka Ceel-la-hele oo ay Ciidamada Dowladda Shalay la wareegeen.
Deegaanka Ceel-la-hele oo 50 Km u jira Magaalada Ceelbuur ayaa ilaa iyo Galabta laga maqlayay Madaafiic, walina ma cada Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi.
Keydmedia Online - Baladweyne
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.