Ciidamada DKMG iyo AMISOM oo la wareegay Degmada Afgooye

MUQDISHO (Keydmedia) - Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Saacadihii ugu danbeeyay ee Maanta oo Jimco ah ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.
Warar Keydmedia Online

Qaar ka tirsan dadka ku nool degmada Afgooye oo la hadlay Keydmedia ayaa u xaqiijiyay la wareegista Ciidamada dowladda KMG iyo AMISIOM ay la wareegeen Degmadaasi.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa waxaa la sheegay in iyaga oo aan la kulmin wax dagaal ah ay la wareegeen Magaaladaasi kadib markii Maleeshiyaadkii xoogga ku haystay ee Al Shabaab  isaga baxeen halkaasi, kuwaasi oo u ruuqaansaday deegaanada kale oo ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada dowladda iyo AMISIOM ayaa la sheegay in Gudaha iyo Daafaha magaalada ay ka qoteen dhufayso si ay uga hortagaan weerar rogaal celis ah oo Kooxda Al shabab ay kusoo qaadaan Degamadda,

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Al Shabaab, hase ahaatee waxa tallaabada dowladda KMG ay ka dhigan tahay inay ka dhabaysay balanqaadkeedii ahaa inay Maanta la wareegayso Degmadda Afgooye o 30 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho.

Waa Degmadii ugu horaysay oo ay la wareegaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISIOM tnat iyo markii uu bilowday Talaadadii lasoo dhaafay howlgalka loogu magaca daray xureynta Shabeelaha hoose(Operation free Shabelle).

Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.