Ciidamada DKMG & Raaskambooni oo Abaabul Dagaalka kawada Jubbooyinka

AFMADOW (Keydmedia) - Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Ururka Raaskaambooni ayaa sheegay in ay Saacadaha soo aadan ay la wareegi doonaan deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka oo ay iminka Maamulaan Al-Shabaab.
Warar Keydmedia Online

Axmed Maxamuud Maxamed Sayid Carab oo ka mid ah Saraakiisha Raasikaamboobi ayaa u sheegay Sxaafadda,isagoo kusugan Duleedka Degmada Afmadow inay duulaan ku yihiin Deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in Ciidamadooda ay diyaar u yihiin dagaal ay la galaan Shabab.

Sayid Carab waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in Ciidamada Dawladda, kuwa Ururka Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ee taageeraaya ay iminka diyaar ku yihiin Deegaano ay ka mid yihiin, Xayo, Badhaadhe, Qooqaanni iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolkaasi.

wuxuu sheegay Sayid Carab in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku bartimaameedsanayaan meel waliba oo loogu sheego kaliyana uusan qorshohoodu ahayn inay Al-Shabaab ka saaraan dhamaan Gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya. 

“Wartilmaameedkeenu waa meel waliba oo ay ku sugan yihiin Al-qaacidada Soomaaliya meel waliba hanala kugu sheego waan ku beegsanaynaa xitaa geed hoostiis,”ayuu yiri Axmed Maxamuud Maxamed Sayid Carab oo ka tirsan Saraakiisha Raasikaamboobi ee Jubbada Hoose.

Wuxuu been abuur ku tilmaamay Warar soo baxayey oo sheegayey in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooniyiinta ee ku sugan Jubbooyinka ay isku dhacsan yihiin, isagoo sheegay in Ciidamadaas hal Cadow oo ah  Al-Shabaab ah ay leeyihiin hal Dhufeysna ay iskula jiraan sida uu yiri.

Gobolka Jubbada Hoose Bilahii lasoo dhaafay waxaa ka jiray Guluf Colaadeed, kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Raaskambooniyiinta oo garabka ka helaaya kuwa Kenya iyo Al Shabaab oo dhinac ka soo jeeda, iyadoo dhawaana lagu wado inay Deegaannadaasi ay gaaraan Ciidamo ka socda Dowladda Ethiopia.

Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.