Ciidamada dowlada oo gobalka Gedo dibad bax ka qaban qaabinaya

GEDO(KEYDMEDIA) Ciidamada dowlada KMG ah ee ku sugan gobalka Gedo ayaa halkaasi ka wada qaban qaabada dibad bax ay uga soo horjeedaan qorshaha uu ku damacsanyahay R.waaare Farmaajo inuu xilka uga tago kadib cadaadis uga yimid dhanka beesha caalamka.
Warar Keydmedia Online

Waxaa hor boodaya abaabulka dibad baxan saraakiisha howl galada gobalada Gedo iyo jubooyinka ay ka wadaan ciidamada dowlada hogaamineysay kuwaasoo iyagu ku doodaya in xil ka tagista R.waaare Farmaajo ay dhabar jab balaaran ku noqoneyso howl galada ay ciidamada wadaan.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan gobalka Gedo ayaa  waxa ay tilmaameen in ay ka soo bixi doonaan difaaca isla markaana ay hubka dhigi doonaan hadii R.wasaaraha uu ka xilka iska dhigo.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.