Ciidamada Dowladda Iyo AMISOM oo weerar ku ah Al-Shabaab

Muqdisho (KON) - Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya oo Garabsanaya kuwa AMISOM islamar kaana ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Sh/Dhexe ayaa saaka ku dhaqaaqay Deegano horleh oo ay maamulaan Maleshiyada Kooxda Al-shabab.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda Iyo AMISOM oo weerar ku ah Al-Shabaab

Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Ibraahin Yuusuf ayaa goor dhaw u xaqiijiyay wariyaha Keydmedia ee Muqdisho in Ciidamada Dowladda Soomaalia iyo kuwa AMISOM ay ku dhaqaaqeen Deegaano ay wali kusugan yihiin Maleshiyada Al-shabaab.

Deganada ay ku baxeen Ciidamada is kaabaya ayaa waxaa ka mid ah Ceelbaraf, Biyo cade, oo ka tirsan Gobolka Sh/dhaxe islamarkana  horey ay u joogeen Kooxda Al-shabaab.

Arintaan ayaa qeyb ka ah Dadaalo Dowladda Soomalia ay ku dooneyso in ay kula wareegaan Degmooyin iyo degano ka mid ah Dalkeena Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Maleshiyada Al-shabab.

Keydmedia Online - Xafiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.