KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Arrintaan ayaa sababtay in ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii magaalada ay gabaabsi galaan, waxaana dadku ay albaabada isugu laabeen xarumahooda ganacsi iyagoo ka baqaya in laga dhaco.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maleeshiyaadka Raaskaambooni ayaa xalay fiidkii waxaa ay dhaceen Dukaamo iyo Sandaqado ku yaala xaafada Dalcaada ee ka tirsan deegaanka Calaleey ee magaalada Kismaayo waxayna halkaasi ka qaateen lacag isugu jirta dollar iyo Shilling Soomaali iyo sidoo kale alaabo kale.
"Ciidamadaan magaalada la wareegay anshax malahan, waxay iska soo galayaan xarumaha ganacsiga ee magaalada, waxayna iska qaadanayaan waxa ay gacabtrooda qabato, saraakiisha iyo masuulyiinta ciidamadaan ay ka amar qaataan waxaan ugu baaqeynaa inay naga qabtaan,"ayuu yiri qof kamid ah dadka ku nool magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.
Dhaca iyo boobka ay Ciidamadaan u geysanayaan shacabka reer Kismaayo waxaa bar bar socda howlgallo aan dadka lagu kala sooceynin oo lagu qab qabanaayo qof kasta oo ay Ciidamadu indha saaraan.
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.