KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Goobjoogayaal ku suggan magaalada Garbahaareey ayaa warbaahinta Keymedia u sheegay in dagaalkaan uu yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah oo ka soo baxay dhanka magaalada Garbahaareey ay weerar ku soo qaadeen Maleeshiyaadka kooxda Shabaab kuwaasoo jidka ka leexsaday gaadiid iyo dad ku socdaalaaya.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ay dhac iyo jir dil u geysteen dadkii saarnaa baabuur Qaad siday oo markii hore ka yimid dhanka degmada Baladxaawo kuna sii jeeday magaalada Garbahaareey.
Weerarka ay Ciidamada dowladda ku qaadeen Maleeshiyaadka Shabaab waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac bahsan oo soo gaaray Kooxda Shabaab.
Sargaal lagu magacaabo Galad Maxamed Daahir oo ka tirsan saraakiisha TFG-da ee gobbolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in dagaallka ay dhankooda qaadeen islamarkaana ay weerareen deegaanka Tuulo Barwaaqo halkaasoo ay dadka ku dhibaateenayeen Maleehsiyaadka Shabaab.
Waxaa uu tilmamay in labo ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaab ay halkaasi ku dileen, halka kuwii kalena ay duurka kala galeen sida uu hadalka u yiri.
Dhankooda wax khasaare ah ma uusan sheegin, xaalada ayaana hadda deggan waxaana goobtii uu dagaalka ka dhacay ku suggan Ciidamada dowladda.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.