Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo La Wareegay Deegaano Ku Yaalla Duleedka Jowhar

Jowhar (KON)- Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saaka u ruqaansaday dhanka magaalada Jowhar ayaa la wareegay deegaano ku yaalla duleedka magaalada Jowhar halkaas oo ay horay uga arriminayeen Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada ayaa la wareegay guud ahaan gacan ku heynta deegaanada Koongo iyo Boorow oo qiyaastii 8KM u jira magaalada Jowhar.

Ma jirin wax dagaal ah oo Ciidamada ay galeen intii ay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Qalimoow ee ku yaalla inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Goobjoogayaal ayaa KON u xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wata dabaabaadka dagaalka iyo hub culculus ay la wareegeen gacan ku ku heynta deegaanada Boorow iyo Kongo o u dhow magaalada Jowhar.

Ciidamadu waxaa ay ku wajahanyihiin magaalada Jowhar oo hadda ay baneeyeen intii badneyd Shabaab.

Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.