Ciidamada Galmudug oo Qabtay Waxyaabaha Muqaadaraadka ah

Gaalkacyo (KON) - Ciidamada Amanaaka Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo ku qabtay Rag iyo Gaari ay wateen oo la sheegay in ay Wadeen Waxyaabaha Muqaadaraadkaa ee Maanka Dooriya.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Galmudug oo Qabtay Waxyaabaha Muqaadaraadka ah

Ragga ayaa Tiradooda, waxaa lagu sheegay Saddex Ruux, kuwaas oo watay Gaari Saarif ah oo lagu soo dhex qariyey Qamri iyo Xashiishad sida ay Keydmedia Online u sheegeen Saraakiisha Amaanka.

Ciidamada ayaa Raggaan iyo Gaariga ay wateen waxaa ay ku qabteen Kontoroolka weyne ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay doonayeen in ay u talaabaan Dhanka Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Maxamuud Cilmi Gulaafe oo ah Taliyaha Saldhiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Raga iyo Gaarigii ay wateen hada lagu hayo Xabsiga Dhexe ee Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Amaanka Maamulka Galmudug ayaa Xiliyo farabadan sidaan oo kale gacanta ku dhigay Rag wata Waxyaabaha Muqaadaraadka Maanka Dooriya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.