Ciidamada Kenya iyo kuwa Kooxda A/Madoobe oo Xalay Kooxo Hubeysan Weerareen

Kismaayo (KON) - J/Hoose ayaa laga soo sheegayaa in ay Xalay iyo Hameyn hore ka dhaceen Dagaalo Gos goos ah oo ay qaadeen Kooxo Humeysan.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Kenya iyo kuwa Kooxda A/Madoobe oo Xalay Kooxo Hubeysan Weerareen

Caaqil Deegaanka laga yaqaan: Mudane Axmed Nuur Yabarow oo ay Keydmedia la Xiriirtay ayaa noo xaqiijiyey in Habeyn hore iyo Xalay ay Kooxo Hubeysan Weerar ku qaadeen Fariisimo Ciidamada Kooxda Axmed Madoobe iyo Kuwa Kenya oo ay ku leeyihiin Deegaanka Kulbiyow iyo darafta hore ee Maqaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalku waxuu kalo ka dhacay Jaamacadda Magaalada Kismaayo Jaamacadda oo Xarun ay ka dhigteen Ciidamada Kenya oo u kireysan Shirkadaha Shidaalka ee ay horkacayso Dawlada Norwey. Lama xaqiijin Khasaarada Werarkaas ka dhalatay intey le’egtahay wayo Weraradu waxay ka dhecee Xarumo Ciidan waxaase si fiican lo maqlayey Hugunka Madaaficda oo mudo socday.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.