KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamadan ayaa markiiba Baandow ku soo rogay Magaalada iyagoona bilaabay Hawlgalo dadka lagu soo qab qabanayo iyadoo si gaar ah loo bar tilmaameedsanayay Soomaalida halkaa ku dhaqan.
Soomaalida Gaarisa ku dhaqan ayaa markiiba xiray goobahooda Ganacsiga kuwaasoo joojiyay dhaq dhaqaaqii iyo isu socodkii iyagoo ka baqa qaba in ciidamada dhibaato soo gaarsiyaan.
Hawlgalka ayaa manta halkiisii ka sii soconaya iyadoo Ciidamada Kenyaanku ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaas ka tirsanaa Ciidamada ammaanka Kiinya.
Magaalada Gaarisa ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha ugu amniga xun Waqooyiga Bari ee Kiinya iyadoo bishii aynu ka soo gudubnayna sidan oo kale Dil loogu gaystay Askeri ka tirsanaa Ciidamada ammaanka kiinya xilli uu ku sugnaa gudaha magaalada.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi // Wadanka
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.