Ciidamada Kenya oo is kaga Baxay Qeybo ka mid ah Jubbada Hoose

Kismaayo(KON)-Maleeshiyada Kooxda Raas-kambooni iyo Ciidamada Kenya ayaa iskaga baxay Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,ka dib Markii halkaasi ay kula dagaalameen Al-shababa.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Kenya oo is kaga Baxay Qeybo ka mid ah Jubbada Hoose

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya iyo Maleeshiyada Raas-kambooni  ay faarujiyeen Deegaanka Xagar oo 90KM u jira Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka ka bixitanka Ciidanka Kenya iyo Kooxda Raas-kambooni ayaan la ogeen,waxaana Deegaanka Xagar iyo Tuulooyin hoostaga ku dagaalamay  Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya.

Saraakiil ku sugan Degmada Afmadoow ayaa Keydmedia online u sheegay  in Maleeshiyada Raas-kambooni iyo Ciidamada Kenya ay qabteen dhankaa iyo Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku Xoog badan Ciidamada Kenya iyo Jamhada Raas-kambooni,waxaana sidoo kale Wararka ay sheegayaan in Arintaan ay la Xariirto ka bixitaanka Ciidamada Kenya Gobolada Jubbooyinka ee Dalka Soomaaliya.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.