KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
“Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa qorshayaal in mudda ah socday, waxaana si toos la isku raacay in Ciidamada Kenya ay ka mid yihiin howgalka AMISOM “ ayuu u sheegay Wasiirka Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji.
Kenya Taankiyo iyo Ciidamo ayey u soo dirtay Gudaha dalka Soomaaliya Bishii October ee kol hore, kaddib markii Afduubyo iyo Weeraro ay ka dhaceyn dalkeeda, kuwaasi oo ay ku eedeesay Al-Shabaab ee Xiriirka la leh Al-Qaeda.
Bishii December ee Sanadkii tagay, Midowga Africa waxa ay shaaciyeen inay taageeri doonaan Kenya inay ka mid noqdaan Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.
Madaxa Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa soo dhaweeyay Tallaabada Kenya ay qaaday , waxaana uu sheegay inay tahay horrumar.
“Dhab ahaantii waxaa noo furmay bog cusub, waxaana soo dhameenaynaa in uu isku soo dhaweynaayo Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,” ayuu yiri.
Yuusuf Xaaji ayaa sheegay Kenya inay Howlgalka AMISOM ay ku deeqidoonaan 4,631,taas oo ka dhigeysa tirada Ciidamada AMIOSM 11,000 oo ah Burundi iyo Uganda.
Arrintan Seddax xagalka ah waxaa ay timid kaddib markii Seddax Maalin ka hor Ciidamada Kenya ay kala wareegeyn Al-Shabaab magaalada Afmadow oo 100 KM magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubadda Hoose.
Wasiirka Gaashandhiga Kenya Yuusf Xaaji waxa uu leeyahay Qorsheheena inay tahay qabsashada Kismaayo laakin Waqti rasmi ah masheegin, Hadda uma jiro meel fog Kismaayo, laakiin ma dhahayo markaas ayaan qabsaneynaa ayu ku sii daray.
Lamamra ayaa sheegay AMISOM in wali ay heesato Caqabado ay ka mid yihiin logistic la’aan, waxaana uu ku booriyay QM iyo beesha Caalamka inay taageeraan Howlgalka Midowga Africa.
“Hadda AMISOM waa la ballaariyay, waxaa ay doonayaan in lagu ballaariyo dalka oo dhan, waxa aan wajaheynaa Caqabado,” ayuu sheegay Wasiirka.
Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon, oo hadal ka jeedinaayay Shir Labo Maalin ka socday oo lagu soo afmeeray Istanbul, wuxuu ku baaqay in Beesha Caalamka ay gacan ka geesato Taageerada Soomaaliya si aysan u soo noqon Kooxo Dagaal-oogayaal ah oo ka fa\
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.