Ciidamada kenya oo Soomaali ku xirxiray Mandheere

MANDHEERE(KEYDMEDIA) Wararka laga helayo degmada Mandheere ee ayaa sheegaya in xalay ciidamo kenyaan ah ay shacab Soomaaliyeed ka xirxireen Magaalada mandheere ee gobalka Waqooyi Bari.
Warar Keydmedia Online

Xariga dadkan ayaa ka danbeeyay kadib markii habeen hore halkaasi qarax lagula beegsaday ciidamo kenyaan ah waxaana qaraxaasi ku dhintay askar iyadoo kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka la xirxiray ayeey ciidamada Kenya ula  dhaqaaqeen xabsiyo aan la aqoon, waxaana arintan walaac badan ka muujiyay shacabka ku nool magaalada mandheere.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.