Ciidamada Soomaaliya way isku filanyihiin.

Muqdisho (KON) AMISOM ayaa sheegtay in sanadkaan ay ciidamada dowlada Soomaaliya Tababaro ku siin doonto gudaha Soomaaliya halkii ay horay tababaro ugu aadi jireen wadanka dibadiisa.
Warar Keydmedia Online

 

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Cali Adan Xumad ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay tababaro ku qaadan doonaan gudaha wadanka qaybahooda kala duwan.

Wuxuu sheegay Afhayeenka AMISOM in ciidamada Soomaaliya ay yihiin kuwo isku filan isla markaana karti buuxda u leh xal u helida wadankooda Soomaaliya.

“ciidamada Soomaaliya waxaa kuwo isku filan uma baahno dhinacyo kale, laakiin waxay rabaan in qalabkooda loo dhameestiro isla markaana la siiyo dhiira galin”sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM.

Soomaaliya ayaa waxay leedahay ciidamo badan, kuwaasi oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ciiidanka, dhibaatada ugu wayn ee heesato ciidanka Soomaaliya ayaan ah daryeel la’aan.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.