KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sida ay ku Waramayaan Warbaahinta dalka Turkiga Ciidamada sida gaarka ah u tababaran badda wadankaasi ayaa Kooxha Burcad badeeda ka bad baadiyeen Doon ay wateen Kalluumaysato u dhalatay Yemen oo ay Burcad badeedu ka qafaasheen gacan biyoodka Cadan.
War lagu qoray barta Internet-ka oo la yiraahdo Al-Saxwax.net oo Militry,ga Turkigu adeegsadaan ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay u gurmadeen doonta oo ay la socdeen 7 ruux oo Yemeniyiin ah waxaana warku intaa ku darayaa in Ciidamadu qabteen 14 ruux oo la sheegay inay ahaayeen Kooxdii falka afduubka ah geysatay.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in Howlgalkaasi ay ka qeyb qaadatay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah waxaana Ciidamadu sheegeen in doonyihiin ay wateen Kooxdii afduubka geysatay laga helay Hub fara badan oo ay ku jiraan Qoryaha nooca ak 47, la yiraahdo iyo Gantaalaha Garbaha laga rido.
Ciidamada Badda Turkiga ee ka Howlgala Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay qeyb ka yihiin Ciidamada Gaashaanbuurta NATO ee sheega inay Biyaha Soomaaliya kula dagaalaan Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida
Hay’ad daraasaysa Arrimaha Badaha ayaa dhawaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in Sanadkii hore Burcad badeeda Soomaaliyeed ay heleen dhaqaalo gaaraya 7, billion oo Dollar halka Caalamkana uu sanadkii hore la dagaalanka burcad badeeda ku bixiyay 2 billion oo Dollar.
Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.