Ciidamado ka soo Goostay Dagaal-ooge Gaandi & Mashruuci Azania oo Fashil ku dhaw

Kismaayo (Keydmedia) - Inka badan 300 oo Askari, hubkii iyo gaadiidkii ay wateen oo horay uga tirsanaa Ciidamada Dagaal-ooge Gaandi ayaa ku biiray Ciidamada kale ee TFG-da iyo kuwa Raaskaambooni ee ku suggaan qeybo ka tirsan gobbolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online

Arrintaan ayaa ka dambeysay Khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Dagaal-ooge Gaandi iyo Odayaasha Beesha Absame kaasoo yimid markii Gaandi uu isku dayay inuu isku gaar yeello awooda iyo talada gobbolada Jubbooyinka ayadoona arrintaasi ay sababtay in Gaandi uu waayo kalsoonidii iyo taageeradii Odayaasha Absame.

Odayaasha Absame ayaa ku goodiyay in Gaandi ay kala soo bixi doonaan dhamaan Ciidamada ku abtirsada magaca Absame, sida uu Keydmedia u xaqiijiyay midka kamid ah saldanada Absame.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa jiray in kabadan 300 oo askari iyo agabkoodii Militari ee ay wateen inay ka soo goosteen fariisimihii laga maamuli jiray Ciidamada Gaandi iyagoona ku soo biiray dhanka saldhigyada Ciidamada TFG-da iyo kuwa Ururka Raaskaambooni.

Mashruucii Azania ee uu Gaandi lacagta badan ku soo qaatay ee uu doonaayay inuu dalka ku bur buriyo ayaa hadda maraayo meel gebageba ah waxaana aad loo hadal hayaa in mashruca Gaandi uusan sii socon doonin.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.