KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamda Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa Macalinkaan ku dileen Saldhiga Magaalada Kismaayo xilli ay ka socotay dacwad dhul oo loo kala qaadayay macallinka iyo dad kale.
Axmed Jimcaale (Maleele) ayaa ahaan jiray Macalin bixin jiray tababarro caafimaad.
Wararka ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ilaalada saldhigga uu rasaas ku furay macallin Maleele oo la sheegay inuu ka carooday qaabkii ay u socotay dacwadda la xiriirtay muranka dhulka ee u dhaxeysay asaga iyo dadkii kale.
Maamulka magaalada ayaan weli ka hadlin dilka macallin Maleele oo aad ay uga xumaadeen shacabka magaalada ku dhaqan.
Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.