Ciidamo ka tirsan dadka Wisil oo tababar loo soo xiray

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Galmudug hormuud u noqon doonto howl-gal qorsheysan oo dowladdiisu ku qaadi doonto degaannada ku jira gacanka Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Ciidamo ka tirsan dadka Wisil oo tababar loo soo xiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa isku howlay in la abaabulo, lana tababaro qaar ka mid ah dhallinyarada degaanka Wisil ee koonfurta Mudug, halkaasoo ay ka taagan tahay dhibaato ay Kooxda Al-Shabaab ku hayaan shacabka.

Sida ay sheegeen saraakiisha degaanka ah ee isku xilqaantay isku dibaridka iyo tababaridda dhallinyada, ciidanka ayaa loo diyaariyay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la filayo inuu dhawaan ka billowdo, koonfurta gobolka Mudug.

Bishaan oo kale, hal sano ka hor, Al-Shabaab ayaa duullaan kharaar ku qaadday Wisil, halkaasoo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya iyo kuwa dagaalyahannada Al-Shabaab, oo markii danbe laga adkaaday.

Dagaalkaaas kadib, Galmudug ayaa sheegtay in Ciidamada Daraaawiishta maamulkaas iyo kuwa Xoogga Dalka oo is kaashanaya ay koofurta Mudug, ka xoreynayaan Al-Shabaab, hayeeshee, howl-gallo dhowr bilood socday ayaa ugu danbeyn fashilmay.

Degaannada Bacaadweyn, Sabeenno-gawrac, Qeycad, Camaara iyo tuulooyin ay ka mid yihiin Eryaalle iyo Miroon, oo howlgalladaas lagu xoreeyay ayaa degdeg ugu laabtay gacabta Al-Shabaab, kadib markii Qoorqoor iyo Biixi si kas ah u fashiliyeen duullaanka.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Galmudug hormuud u noqon doonto howl-gal qorsheysan oo dowladdiisu ku qaadi doonto degaannada ku jira gacanka kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab.

Degaanka Wisil oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa ka mid ah magaalooyinka aysan waligood ka arrimin faraca Al-Qaacida ee bariga Afrika [Al-Shabaab], hayeeshee, labadii sano ee la soo dhaafay waxaa dul degganaa ciidan kooxdaas ka tirsan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.