Ciidamo Boolis ah oo la gaynayo magaalada Kismaayo

Muqdisho (KON) Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo boolis ah la gayn doono dhamaanba meelihii ay la wareegeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee laga saaray Al-Shabaab
Warar Keydmedia Online

 

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maya ayaa sheegay in haatan qorshuhu uu yahay in ciidamo la geeyo degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose, iyo waliba magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya in sidoo kale ciidamo dheeraad ah lla gayn doono magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe halkaas oo horay ciidamo boolis ah la geeyay.

Shariif Sheekhunaa ayaa wuxuu intaasi ku daray hadalkiisa in haatan ciidamada booliska Soomaaliya ay ka howlgalayaan degmada Afgooye iyo waliba magaalada Marka.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.