Ciidamo cusub oo loo tababarayo dowlada Soomaaliya -Warbixin

Muqdisho (KON) Askar cusub oo loo tababarayo inay ka mid noqadaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tababarayaa xerada Lama Galay ee magaalada Baladweyne.
Warar Keydmedia Online

 

Askartaan waxay isugu yiraan Hablo iyo Rag waxayna baranayaan xirfado kala duwan oo xaga ciidamada quseeya, sida ay inoo sheegeen saraakiisha Jabuuti ee bixinaya tababarkaan.

Qaar ka mid Askarta cusub ee haatan tababarka ku jira ayaan waydiiyay tabarka ay qaadanayaan iyo sida ay u arkaan, waxayna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin tababarkaan.

Dhalinyarada tabarka qaadanaysa ayaa waxay leeyihiin niyad wanaagsan oo ah in ay tababarkaan si wanaagsan ay ku dhameestaan isla markaana ay ku shaqeeyaan waxay barteen.

Co. Tawane Axmed oo ah taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee goablak Hiiraan oo aan kula kulmay xerada Lama Galay ayaan waxaan wax ka waydiiyay tababarkaan, wuxuuna sheegay in tababarkaan uu yahay mid lagu diyaarinayo ciidamo xoog leh oo ay yeelato dowlada Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee jooga magaalada Baladweyne oo bixinaya tabarkaan ay qaadanayan Askartaan ayaa waxay rajo wanaagsan ay ka muujiyeen mustaqbalka askartaan waa hadii dowlada Soomaaliya ay si fiican u daryeesho.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.