Ciidamo Ethopian ah oo Gudaha u soo galay Degmada Luuq ee Gobbolka Gedo

Kismaayo (Keydmedia) - Ciidamo Ethoipian ah oo aad u fara badan islamarkaana wata gaadiidka dagaal ayaa maanta soo buux dhaafiyay degmada Luuq ee gobbolka Gedo, ayadoona wararka hor dhaca ah ee Ciidamadaasi ku saabsan ay sheegayaan inay ku wajahanyihiin deegaanada kale ee gobbolka Gedo ka tirsan ee ay wali maamulaan dagaalyahanada Al shabaab.
Warar Keydmedia Online

Qaar ka tirsan Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Luuq ayaa cadeeyay in  ciidankan Ethoipianka ah ay maanta soo gaareen degmadaas, iyagoo sidoo kale xusay in Ciidamadaan ay kala qeyb qaadanayaan sugidda amniga gobbolka.

Sidoo kale dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Ethoipianka ah ee maanta Luuq soo gaaray ay wataan inka badan 50-gaadiidka dagaalka ah, waxaana Ciidamadaan oo ku kala usggan gudaha iyo daafaha magaalada Luuq ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo xoogg leh.

Gobbolka Gedo oo ka kooban 7-degmo waxaa labo degmo oo kala ah Baardheere iyo Buurdhuubo gacanta ku haya dagaalyahanada Al shabaab halka inta soo hartana ay maamulaamn Ciidamada dowladda KMG ah, Ahlu sunna iyo Ciidamada Ethopia.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.