Ciidamada Itoobiya oo gaaray Dhuusa-mareeb

Muqdisho (KON) - Ciidamada Itoobiya oo ku biiray Midowga Afrika ayaa Xalay gaaray Degmada Dhuusamareeb ee Xarunta u ah Gobolka Galgaduud, waxaana ay Dageen Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Itoobiya oo gaaray Dhuusa-mareeb

Ciidamaddaan oo wata Gaadiid Dagaal ayaa waxaa Duleedka Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Ahlusunna iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwaan ka socda Dowladda Itoobiya ay ku wajahan yihiin Deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ay ku kulmaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Mas’uuliyiinta Ahlusunna iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa Diirada lagu saari doonaa sidii Maleeshiyada Al-shabaab Galgaduud looga Xoreen lahaa.

Dhanka kale Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-shabaab ay Dhaq dhaqaayo Ciidan ka wadaan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Habeen ka hore ayaa waxaa Degmada Guriceel gaaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Ethiopia kuwaas oo Fariisom ka sameystay Degmadaasi.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.