KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidamada oo ay u dhanyihiin qalabkooda dagaalka ayaa maanta barqadii waxaa ay ka soo dageen Garoonka magaalada Baladweyn halkaas oo lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Ciidamada maanta yimid.
Axmed Cusmaan Inji siihaya xilka Gudoomiyaha Maamulka Gobbolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadii lagu soo dhaweynayay Ciidamada AMISOM ee maanta Baladweyn soo gaaray ayaa sheegay in Ciidamadaan ay qeyb ka yihiin Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM kuwaasoo loo qorsheeyay inay ka howlgalaan gobbolka Hiiraan.
Sikastaba, horay waxaa magaalada Baladweyn u sii joogay inka badan 40 sargaal oo ka socday Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan Ciidamada AMISOM.
Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.