KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Inta la ogyahay 7 Askari oo ka tirsanaa dowladda KMG ayaa ku geeriyooday 5 kalne dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaalkaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo kuwa Militeriga.
C/llaahi Cabdi Axmed (Ibbi), oo ah Gudoomiyaha Degmada Afgooye oo Saakay Warbaahinta kula hadlay gudaha Degmadaasi ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu ka bilowday Muran ka dhashay Lacago Sharci darro ah oo Ciidamada Booliska ay kaga qadaayeen Gaadiidka isticmaala Wadada dhexmarta Afgooye.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Militeri ay weerareen Barkoontarool oo ku taalla Baar-ismaaciil oo Ciidamada Booliska Lacagaha Sahrci darrada ah ugu qaadayeen Gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Degmada Afgooye C/llaahi Cabdi Axmed (Ibbi) ayaa tilmaamay inay socdaan Baaritaanno ku aadan dagaalkaasi dhexmaray Ciidamada Booliska iyo Militeriga dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Degmadda Afgooye oo 30 KM dhinaca Waqooyi-Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa laga deyrinayaa Xaaladeeda Amaan kadib markii uu Khliaaf ka dhashay Maamulka Degmadaasi.
Khliaafkan ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay Ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan,iyadoo Ciidamadu u kala safteen qaab Qabiil ah.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.