KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
| Ciidamadaan ayaa lagu wadaa in lakala geeyo degmooyinka kala ee gobbolka Gedo oo ay ku sugganyihiin Ciidamada huwanta ah si ay u sii xoojiyaan Ciidamada kale. Askartaan ayaa tababarka loogu soo gaba gabeeyey degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxayna qayb ka noqoyaanaan hawlgalada ka socda gobolka Gedo ee ka dhanka ah Shabaab Al-qaacida. Dhanka kale degmada Garbahaarey waxaa maanta ka jira xiisado iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan. Ciidamada TFG-da iyo kuwa kooxda Ahlu sunn ee Garbahaarey ku suggan ayaa gebi ahaanba maanta xiray ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii dadweynaha ee magaalada Garbahaarey, ayadoona aan ilaa iyo hadda lagaraneynin u jeedada. Saraakiil Gedo ku suggan oo ay Keydmedia la xariirtay waxay ku hanjabeen inay maalmaha soo aadan ay bilaabi doonaan howllgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Shabaabka ee gobbolka Gedo. Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo |
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.